(SAWIRO): Wejiga Labaad ee Doodaha Bulshadda iyo Doorashooyinka oo ka furmay Hotelka Maka Almukarama.

Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Md. Xasan Cali Geesey ayaa waxa uu si rasmi ahaan u furay Barnaamij la xiriira Doorashooyinka Somalia, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka, Hay’addo, Aqoonyahanno iyo qeybo ka mid ah Ururadda Bulshadda.

Barnaamijkaasi oo ay Idaacadda Dalsan soo diyaarisay ayaa waxaa dadka lagu bari doonaa Doorashadda iyo Doorka ay Dhallinyaradda iyo Haweenka ka qaadan karaan Hawlaha Doorashadda.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Dalsan, waxa uu sheegay in Barnaamijkaasi uu socon doono ilaa bisha July ee sannadkan, iyadoo la isku weydaarsanayo Doodo iyo Aragtiyo la xiriiro Nidaamka Doorashooyinka ee dabayaaqadda sannadkan ka dhici doonto Somalia.

Barnaamijka waxaa diiradda lagu saari doonaa Kobcinta Dhaqdhaqaaqyahanadda ee Barnaamijka Doodaha ee Idaacadda, waxaana Barnaamijkaasi Doodaha si toos ah looga baahiyaa Istuudiyayaasha Radio Dalsan ee ku kala yaalla magaallooyinka Muqdisho, Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado.

Waxaa kaloo uu Doodaha Bulshadda si toos ah looga dhegeystaa Warbaahinadda Isku-xirka Bulshadda, gaar ahaan Twitterka, Facebook iyo Live Streamka ee Radio Dalsan.

Barnaamijka waxaa kaloo fursad lagu siiyaa Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Goballadda si ay Aragtidoodda uga dhigtaan hadba Mowduuca looga doodayo Madasha.

Hadafka laga leeyahay Barnaamijka Doodaha ee la xiriira Doorashooyinka ayaa ah inay Bulshadda isku weydaarsadaan Doodaha iyo Talooyinka la xiriira Doorashooyinka iyo in la ururiyo Talooyinka si looga faa’ideysto.

Wuxuuna qorshuhu yahay in Hay’addaha Dowladda Federalka loo gudbiyo dhamaan Talooyinka Wax-ku-oolka ee ka so obaxa Barnaamijkaasi, si loogu dabaqo inayDoorashooyinka ku dhacaan si Xor iyo Caddaalad leh.

seminaar3
SEMINAAR4 SEMINAAR5 =
SEMINAAR7 SEMINAAR8 SEMINAAR9

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor