(SAWIRO) WeerarkII London: 5 dhimasho iyo dhaawaca ku-dhawaad 40-kale.

Boliska dalkaasi ayaa sheegay in Nin lala xiriirinayo Kooxda Daacish oo kaxaynayey gaari uu dad badan ku jiirsiiyey Buundada Westminister, ka hor inta uusan Tooreey ku weerarin Askar taagnayd duleedka Dhismaha Barlamaanka ee London.

RW Britain, Theresa May ayaa cambaaraysay weerarkaasi, waxayna sheegtay in goobta uu weerarka ka dhacay ahayn wax shil ah.

Hadal-qoraal oo ay saqdii dhexe ee xalay soo saartay ayay ku sheegtay inay Argagixisadda xusheen inay weeraraan Bartamaha London, halkaasi oo ay dhamaan Muwaadiniinta, Diimaha iyo Dhaqanka si wadajir u yimaadaan, si ay ugu dabaal degaan Qiimaha Xorriyadda, Dimuqraadiyadda iyo Xorriyadda Hadalka.

Dhinaca kale, Mark Rowley oo ka tirsan Saraakiisha ugu caansan Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ayaa sheegay inay aqoonsadeen Ninka geystay weerarka ee ay Boliska dileen. Balse wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin kale.

Weerarkii xalay ka dhacay London ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay  Weeraradda Is-qarxinta ka dhaceen Nidaamka Gaadiidka ee magaalladda bishii July ee sannadkii 2005-tii, kuna geeriyoodeen 52 qof oo rayid ah iyo afartii qof ee  Is-qarxisay.

Kooxda Daacish ayaa lala xiriirinayaa Weerarkii xalay ka dhacay London, oo ku soo beegantay Sannad-guuradii 1-aad ee Weerarkii ka dhacay caasimadda dalke Belgium ee Brussels, laguna dilay 32-qof.

©Radio Dalsan