(SAWIRO): Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 23 April 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Soomaaliya oo Saxiixday Heshiika Paris ee Cimilada Adduunka, Ciidamada Amniga oo ka hor-tagey Qaraxyo lala damacsanaa shacabka, Dowladda Soomaaliya oo u istaagtay ka hortaga Tahriibka dhalinyarada, Wasaaradaha Ganacsiga Somalia iyo Masar oo Heshiis kala saxiixday, Somalia iyo Ruushka oo xoojinaya Iskaashigooda, Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Al-Shabaab dil geystay, Shirkii SDRF Horumarinta & Dib-u-Dhiska Dalka oo Muqdisho lagu qabtay, Khubaro ka socda Dowlada Hoose ee Istanbul oo Muqdisho soo gaaray, Danbiilayaashii weeraray labo gabdhood oo la soo qabtay, Horjooge Al-Shabaab oo Ciidanka Dowladda isu soo dhiibay, Hay’adaha Maaliyadda Aduunka oo ammaanay horumarka Maaliyada Somalia iyo Xarunta Degmada Wanlaweyn iyo suuqa oo la dhagax-dhigay.

Soomaaliya oo saxiixday Heshiiska Paris ee Cimilada Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 22kii April 2016 xarunta Qaramada Midoobey ee New York ku saxiixay Heshiikii Paris ee Cimilada Adduunka oo waddamada caalamku ay halkaas ku saxiixayeen. Waxey aheyd taariikh weyn oo Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada caalamka ee Heshiiskaas taariikhiga ah qalinka ku duuga oo uu weliba Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku saxiixay xarunta QM iyadoo dalalka caalamku ay goob joog ka ahaayeen. Tani waxey tuseysaa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay badbaadada Cimilada Adduunka. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wasiiru Dowlaha Soomaaliya u qaabilsan Cimilada ayaa good joog ahaa saxiixan taariikhiga ah.

Ciidamada Amniga oo ka hor-tagey Qaraxyo lala damacsanaa shacabka

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 22kii April 2016 gacanta ku dhigay laba gaari oo midkood uu ku xiranyahay waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lala damacsanaa in lagu qarxiyo mid ka mid ah Goobaha ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Sargaal ka tirsan ciidanka Nabad Sugidda ayaa sheegay in la damacsanaa in mid ka mid ah lagu qarxiyo maqaayad ku taala meel ka mid ah Muqdisho, halka midka kalena ay saarnaayeen maleeshiyaad doonayay inay weerar geestaan markii uu Qaraxa dhaco kadib. Ciidanka miino baarista oo ku guda jira inay qaraxa ka furaan gaariga ayaa intii ay ku howlanaayeen howsha uu si iskiis ah u qarxay, iyadoo ay dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaar ka mid ah ciidankii howsha ku guda jiray iyo dadkale oo goobta ka agdhawaa. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadsugida ayaa sheegay in labadan gaari ay ka war heleen xogtooda.

Dowladda Soomaaliya oo u istaagtay ka hortaga Tahriibka dhalinyarada

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay qaadatay tallaabooyin siyaasadeed oo muhiima oo lagaga hortagayo Tahriibka. Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii ay masiibadu ku habsatay, iyadoo badda ay ku geeriyoodeen in ka badan laba boqol oo qof oo Soomaali ah. Ugu horrayntii waxay xukuumaddu ugu baaqaysaa dhallinyarda Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan, kana waantoobaan dhibaatada Tahriibka, oo lagala kulmo khataro aad u faro badan kumanaan Soomaali ahina hore ugu geeriyoodeen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay xil iyo masuuliyad iska saaraan badbaadinta ubadkooda ee aanay ka qayb qaadan fudu-daynta tahriibka. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa laga codsaday inuu abuuro unug u gaar ah oo u xilsaaran dabagalka xogaha la xiriira shabakadaha ka shaqeyaa tahriibinta dhallinyarada. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay Dowladaha Mareykanka, Midowga Yurub, hay’adaha caalamiga ah, Qaramada Midoobay, dalalka aan saaxiibka nahay iyo Bangiyada Horumarinta sidii ay wax noogala qaban lahaayeen joojinta tahriibka, iyadoo xoogga la saarayo, sidii fursado shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada.

Wasaaradaha Ganacsiga Somalia iyo Masar oo Heshiis kala saxiixday

Kulan ay magaalada qaahira ku yeeshay 20kii April 2016 Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo dhiggiisa dalka Masar Daariq Qaabii, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo soo noolayn lahaa xiriir dhanka ganacsiga ee labada dal. Heshiis horu dhac ah oo laga gaaray dhanka is dhaafsiga ganacsiga iyo dar-dar gelinta hawlaha maal-gashi ayaa lagu go’aamiyay in la sameeyo guddi arrimahaasi taabba geliya oo ay madax ka yihiin Wasiirrada Ganacsiga ee labada dal, kaasoo fududeyn doona caqabad kasta oo ku hor gudbanaan karta tallaabbadan. Labada dhinac ayaa is dhaafsan doono tababarro la xiriira sare u qaadidda hawlaha hir gelinta ganacsiga iyo ka faa’iideysiga fursadaha maag gashi, taasoo ay qayb ka noqon doonaan xubno ka tirsan ganacsatada labada dal iyo quburo xagga maal gashiga ah.

Somalia iyo Ruushka oo xoojinaya Iskaashigooda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho shaqo ku gaaray dalka Ruushka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi Sergei Lavrov oo ay ka wada hadleen arrimo badan. Kulanka oo ka dhacay magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka ayaa labada dhinac waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dowladda Ruushka ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa tilmaamay in dowladda Ruushka ay Soomaaliya ka caawin doonto nabad ku soo dabaalidda dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa rajo ka muujiyay in dib loo xoojiyo xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay Al-Shabaab dil geystay

Kooxo hubeysan ayaa 18kii April 2016 dil u geystay darawal iyo mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha degmada Boondheere, iyadoo ciidamada amniga ay dileen mid ka mid ah kooxihii falka dilka ah geystay, halka gacanta lagu soo dhigay labo kale oo isla kuwii falka ka dambeeyay ahaa. Ciidanka Nabad Sugidda ayaa dabagal ku sameeyey kooxihii falka dilka ah geystay, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen in toogtaan mid ka mid ah dhagar qabayaasha falkaasi fuliyay, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen labo kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Shirkii SDRF Horumarinta & Dib-u-Dhiska Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 18kii April 2016 shir gudoomiyey shirkii Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska kaabayaasha Dhaqaale ee dalka (SDRF. Sidoo kale waxaa la shir-guddoominayey Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee ku saabsan horumarka iyo dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada dowadda Federaalka ah ee xubinta ka ah SDRF, ms’uuliyin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiirada Qorsheynta Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, koonfur Galbeed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Benadir. Waxaa kale oo goob joog ahaa wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo wakiilada dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka horumarka iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsomay dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada guud ee bulshada. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Batni ayaa ka warbixiyey horumarka Qorshaha Qaranka ee Dalka iyo horumarka Dib u eegista Dastuurka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xusay in shirka dowladda Soomaaliya lagu ammaanay sida ay u maareeyeen dib u habeynta miisaaniyada, taasi oo sahashay in dowladda Soomaaliya ay iminka qaadan karto deeyman hor leh.

Khubaro ka socda Dowlada Hoose ee Istanbul oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socday dowladda hoose ee Istanbul ayaa 17kii April 2016 soo gaaray Muqdisho. Wafdigan ayaa iskugu jiray mas’uuliyiin iyo Injineero ka socda dalka Turkiga oo qiimeyn ku sameeyay qorshaha dib u dhiska waddada 30-ka oo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho. Socdaalka qiimeynta wafdigan ay ku tageen waddada Sodonka ayaa waxaa ku wehlinayay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada mudane Iimaan Nuur Iikar, iyo mas’uuliyiin kale. Xunbaha wafdiga ayaa qiimeynta ka dib waxaa sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan fulinta balan qaadkii dowladda hoose ee Istanbul ee Turkiga kaasi oo ku aadanaa in ay dhisayaan waddada 30-ka ee maagalada Muqdisho.

Danbiilayaashii weeraray labo gabdhood oo la soo qabtay

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay raggii ku luglahaa fal 17kii April 2016 ka dhacay degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu weeraray labo gabdhood oo walaalo ah. Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali Gaab” ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen rag lagu tuhmayo inay ku luglahaayeen weerarkii lagu qaaday labo gabdhood oo walaalo ah, oo mid ka mid ah ay falkaasi ku geeriyootay halka mid kale ay dhaawac ka soo gaartay, isagoo intaa ku daray inay ku socoto baaritaano dheeraad ah ragga loo qabtay falkaasi.

Horjooge Al-Shabaab oo Ciidanka Dowladda isu soo dhiibay

Horjooge ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa 17kii April 2016 isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka ee Howlgalka ka wada bariga Galgaduud.
Taliyaha Ciidanka Gashaanle Axmed Maxamed Tareedishe ee Bariga Galgaduud ayaa sheegay in Axmed Maxamuud Afrax oo ah ku-xigeenka horjaagihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka uruurrinta xoolaha dadka rayidka ah uu isku soo dhiibay gacanta ciidamada, waxaana uu taliyuhu intaa ku daray in ay jiraan horjoogayaal kale oo la soo xiriiray ciidanka xoogga dalka. Taliyaha ayaa xusay in Ciidamada ay ka go’antahay la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in maleeshiyaadka ay qaldeen Al-Shabaabku ay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada dowladda. Horjoogaha isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Afrax ayaa sheegay in markii ciidamad ay la wareegeen deegaanno dhowr ah uu u helay fursad ah in uu isu soo dhiibo gacanta ciidamada.

Hay’adaha Maaliyadda Aduunka oo ammaanay horumarka Maaliyada Somalia

Shirka Arrimaha Maaliyadda Caalamka oo lagu soo gabogabeeyey Washington ayaa Soomaaliya waxaa uga qeybgalay Wasiirka Maaliyada Mudane Mohamed Adan Ibrahim (Farkeeti), shirkan ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah isla markaasna lagu ammaanay horumarka joogtada ah ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka sameyneyso Maamulka iyo Maareynta Maaliyada. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadal ka jeediayay shirkaasi ayaa si weyn uga hadlay horumarka dalka Soomalaiya ka jira dhinacyada siyaasadda dib u dhiska iyo horumarka dowladnimo iyo kan maamulka malaiyadeed. Shirkan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey horumarka dhanka Maaliyada ee Soomaaliya, loona ballanqaaday in caalamka uu garab-istaagayo Soomaaliya.

Xarunta Degmada Wanlaweyn iyo suuqa oo la dhagax-dhigay

Maamulka Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa 16kii April 2016 waxaa ka bilaabmay howlo dib u dhis ah iyo gelinta nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha degmada Wanlaweyn, iyadoo maamulka uu dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeeyo maamulka degmada iyo suuqaweyn oo loogu tala galay in ay ku ganacsadaan ganacsatada Soomaaliyeed. Howlahan dib u dhiska ah iyo gelinta nalalka ku shaqeeya ileyska ayaa looga gol leeyahay in lagu soo celiyo bilicda Degmada Wanlaweyn si loo dar dar geliyo howlaha lagu horumarinayo degmada.

456

2

78 91011 12

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor