Sawiro:-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Berito shir ka furaya Kismaayo

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa gaaray magaalda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka iyo wafdiga la socday markii ay gaareen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana maalinta beri ah lagu wadaa in magalada Kismaayo uu ka furmo shirka Maaliyadda ooo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa qabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka ah, waxaana inta uu socda si weyn looga hadli doonaan arrimahasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media