SAWIRO : Wariyayaal Dalsan ka tirsan oo ka qeybgalay Kulanki RW Kheyre&Midawga Yurub ku dhex maray Markab Dagaal oo Badweynta Hindiya yaala (Warbixin)

 

Koox wariyaal ah oo uu ku jiro Xasan Isttila oo ka mid ah barmaamij soo saarayaasha Idaacada Daslan ayaa maanta abaara 1:00 duhurnimo diyaarad Helikopter ah loog qaaday garoonka Aden cadde iyadoo la geeyey marca dagaal uu yiilay gudaha badweynta Hindiya.

Wariyayasha ayaa wax ku wehlinayey safarkooda R’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre saraakiil ka tirsan ciidamda badda Soomaaliya iyo saraakiil Amisom ah .

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bilaabay kaib tagitaankii markabkaba kulamo uu la qaadanayey madaxda howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka kooxaha Burcad-Baddeeda  Soomaalida .

Kulanka oo ay saxaafada good joog aheyd waxa la isku afgartay in la xoojiyo ciribtirka kooxaha Burcad-Baddeeda iyo ka hortagida kalluumeysiga sharci darrada ah.

“Burcad-Baddeednimo ma ahan  dhaqan Soomaaliyeed, waxaan Midowga Yurub ka codsanay in ay dar-dar geliyaan la dagaalanka Burcad-Baddeeda iyo kallumeysiga sharci darrada ah”, ayuu yiri RW Kheyre

Ra’iisul wasaaraha, ayaa  ka codsaday Midowga Yurub in la sii wado tababarada la siiyo ciidamadda badda ee dowladda Soomaaliya ay ay u awoodaan la dagaalanka burked badeeda.

 

Dhinaca kale Brig. Gen Maurizio Morena, oo ah taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad-Baddeeda ayaa dhankiisa rajo wanagsan ka muujiyay in laga adkaan karo kooxaha kalluumeysiga sharci darrada ah ku haya xeebaha Soomaaliya iyo kooxaha kale ee Burcad-Baddeeda Soomalidda.

Gen Maurizio Morena ayaa sheegay in Ciidamada Badda Midowga Yurub  ay difaacayeen maraakiibta u raran WFP tan iyo sanadkii 2008, waxaana lagu guuleystay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah loogu keeno 1.3 million oo tan oo kaalmo bani’aadanimo ah”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay madaxda howlgalka, .

Wax uu kalsoo host ka xaqriiqay in Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ku badan badda Somaaliya, waxaana taasi ay saamayn ku yeelataa kalluumeysatada Soomaalida ah.

Markabka ay ku shirayeen madaxda Midawga Yurub iyo Ra´sal Kheyre ayaa laga lahaa dalka Spain oo  qeyb weyn ku leh la dagaalamka burcad badeeda,