Ciidamada xasilinta amniga Magaalada muqdisho ayaa weli waxaa ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan Wadooyinka Waaweyn ee ku yaalla Magaalada muqdisho si ay amniga u xaqiijiyaan.
Ka sokoow howlgallka ciidamada ayaa xiray wadooyin waaweyn oo Jidcadayaal ah oo ku yaalla gudaha Magaalada Muqdisho ku waas oo mararka qaar ay mari jireen Gawaarida yar yar iyo kuwa Dadweynaha ay raacaan ee Biielka loo yaqaano,markii ay ka xiranto wadada caadiga ah ee laamigaa iyagoo ku jaray Dhagxaan waweyn si aanba loo isticmaalin.
Howlgalka Wadooyinkaas lagu xiray ayaa waxa uu ka soo soo bilowday Isgoyska Danwadaagaha, iyadoo lagu geeyay Isgoyska Soobe ee Degmada Hodan taas oo ka dhigan in uu wadada uusan ka leexan karin Gaarigii ka soo baxa degmada Wadajir ilaa uu ka gaaro Isgoyska Zoope.
Sidoo kale ciidamada ayaa jaray dhamaan jidcadayaasha dhexmara wadada dheer ee ka timaada Isgoyska Banaadir, agmartana Isbitaalka Ex-Digfeer ee hadda loo bixiyay Erdogan, waxaana goysmada wadooyinka jidcadyaasha ah lagu geeyay illaa Isgoyska Tarabuunka.
Talaabadan ay Ciidamada dowaldda Soomaaliya ay ku xireen Wadooyinka Jidcadayasha ah ee dhex mara Xaafadaha qaar ee degmooyinka Wadajir iyo hodan ayaa ah mid looga gol leeyahay in gaari kastaa uu soo maro Wadada laamiga ah si ay ciidamadu ugu fududaato in baaritaano ku sameeyaan.
Kadib weerarkii qaraxa ku bilaawday ee lagu qaaday Pizze Haouse iyo Posh ayaa waxaa ciidamada xasilinta amniga muqdisho ay bilaabeen qorshooyin kale oo Cusub taas oo wax looga bedelayo sugida amniga Magaalada muqdisho.
Sawiro