(SAWIRO): Urur-siyaasadeedka Kulan oo shaaciyey geerida Marxuum Muxiyadiin Maxamed Xaaji.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Kulan, C/qaadir Barnaamij ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Ururka Kulan, Marxuum Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim uu ku geeriyooday qarax miino oo loogu rakibay gaarigiisa.

Marxumka ayaa duhurnimaddii maanta ku geeriyooday agagaarka Isgoyska KM4, kadib, markii uu qarax ka dhex dhacay gaarigiisa Khaaska oo noociisu ahaa Suzuki.

Allaha U Naxariistee, Marxuumka, waxa uu ahaa Siyaasi xilal badan soo qabtay.

Waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga ka soo noqday Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

marxuum Muxiyadiin Maxamed XaajiWaxa kaloo uu Xildhibaan ka soo noqday Barlamaanka Somalia, ka hor inta uusan ka mid noqonin Asaasayaasha Urur-siyaasadeedka Kulan oo uu haatan ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Ururkaasi.

Ugu dambeyntii, waxaan Tacsi u diraynaa guud ahaan qoyskii, carruurtii,eheladii iyo saaxiibaddii uu ka geeriyooday Marxuumka, waxaana si gaar ah ugu tacsideynaynaa Xaaskiisa Safiyo Abuukar Karaani oo ka tirsan Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

qarx5 qarax4 qarax1 qarax 6 qarax2 qarax3

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor