(SAWIRO): Ugu yaraan 10-qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalladda St Petersburg ee Raashiya

Ugu yaraan 10-qof ayaa la soo weriyey inay ku geeriyoodeen qarax ruxay Boostoojo laga raaco Tareenadda dhulka hoostooda mara oo ku taalla magaalladda St Petersburg.

Hay’adda Tareenadda ayaa sheegay in qaraxa lagu qrxiyey Tareen taagnaa Bosteejdda the Sennaya Ploshchad station ee magaalladda St Petersburg oo ah mgaalladda 2-aad ee ugu weyn ee dalkaasi.

Muuqaalo laga soo qaaday Bosteejadda ayaa muujinaya  dad dhaawac ah oo dhulka daadsan iyo Albaabadii dhismayaasha oo wada burburay..

Wararka hordhaca ee laga helayo Adeegga Gurmadka ayaa u sheegay Wakaalladdaha Wararka Raashiya in ku-dhawaad 10-qof lagu dilay qaraxaasi.

Madaxa Adeegga Warbaahinta ee Guddoomiyaha Degmadda. Andrey Kibitov ayaa sheegay inay 50-qof ku dhaawacantay qaraxaasi.

Wakaalladda Wararka Interfax News Agency ayaa ka soo xigatay ilo dhinaca Hay’adaha Xoojinta Sharciga inuu qaraxu ka dhashay waxyaabo qarxa oo lagu soo tuuray mid ka mid ah Rimoorka uu Tareenka jiidayey.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media