(SAWIRO): Tahrribe Somali ka badbaaday doonidii ku degtay Badda Mediterraneanka oo ka hadlay Dhacdadaasi.

Mowlid Isman, 28, from Somalia, left, speaks as Muaz Mahmud, 25, from Ethiopia looks on during a press conference organized by non-governmental organizations...Mowliid Cismaan waxa uu ka mid noqday 41-kii qof ee ka samata-baxay doonidii ku degtay Badda Mediterraneanka, oo ay ku geeriyoodeen 400 oo qof oo badankooda ahaa Tahriibayaal Soomaali ah.

Mowliid Cismaan oo 28 jir iyo Mucaaz Maxamud Caymo oo Ethiopian ah ayaa maanta Suxufiyiinta ugu sheegay gudaha dalka Giriigga in laga yaabo inay doonidaasi ku geeriyoodeen ilaa 500 oo qof.

“Waxaan ka soo baxnay Dekedda magaalladda Tobruk ee dalka Libya, iyadoo ay Doonida saaran yihiin ilaa 200 oo qof oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga” ayey yiraahdeen labadaasi nin oo ka badbaaday masiibadda doonida lagu hoobtay.

Waxay intaasi ku dareen inay Mukhalasiinta ku khasbeen inay ku wareegaan  dooni weyn oo Badweynta taagnayd oo ay Mukhalasiintu sheegeen inay saaran yihiin ilaa 300-qof.

“Maadaama xilli habeen oo mugdi ahayd, ma aanan arkin waxa gudaha ku jira. Markii aynu raacnay doonida weyn waxay bilowday inay degto” ayey yiraahdeen.

Mowliid Cismaan waxa uu sheegay inay dadkii ku geeriyooday doonidaasi ku jirtay Walaashiisa iyo ilmo yar oo ay dhashay.

Sidoo kale, Mucaaz Maxamud Caymo oo Oromadda Ethiopia ah waxa uu sheegay inay Xaakiisa oo 20-jir ah iyo wiil 2-jir oo uu dhalay ka mid noqdeen dadkii ku maashoobay masiibadda Doonida degtay.

Dhinaca kale, Hay’adda UNHCR ayaa xaqiijisay inay ilaa 500 oo qof ku geeriyoodeen doonida ku degtay Badda Mediterraneanka.

Muaz Mahmud, 25, from Ethiopia, right, speaks and Mowlid Isman, 28, from Somalia looks on during a press conference organized by non-governmental organizati...

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor