(SAWIRO): Tababar loo soo xiray Ciiddan loo tababaray Madaxtooyadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qeyb galay Xaflad Tababar loogu soo xiray 161 Askari oo ka mid noqonayo Ilaaladda Khaaska ee Madaxtooyadda.

Ciiddankaasi ayaa soo dhamaystay Tababar dhowr bilood uga kala socday magaallooyinka Garowe iyo Bosaaso.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Munaasbaadasi waxa uu ku ammaanay Saraakiisha Ciiddanka dadaalka ay ugu jiraan Tayeynta iyo Qalabaynta Laamaha Ciiddanka.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Carbiskaasi sabab u noqday inay Ciiddanka muddo 7 maalmood gudaha ku soo af-jareen Hawlgalka ka dhanka ahaa Alshabaabka duullaanka ku soo qaaday Puntland.

Xafladda lagu soo xiray Tababarkaasi waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Guud ee Daraawiishta Puntland, Jeneral Saciid Maxamed Xersi “Saciid Dheere” iyo Taliyaha Ciiddanka Madaxtooyadda, G/sare C/rashiid Maxamed Ashkir (Qodhob) iyo Saraakiil kale.

IMG_4889 IMG_4767IMG_4768IMG_4771IMG_4772IMG_4774IMG_4777IMG_4778IMG_4780IMG_4781IMG_4785IMG_4786IMG_4789IMG_4790IMG_4793IMG_4794IMG_4797IMG_4799IMG_4806IMG_4809IMG_4811IMG_4813IMG_4816IMG_4817IMG_4819IMG_4825IMG_4826IMG_4827IMG_4829IMG_4830IMG_4847IMG_4850IMG_4853IMG_4854IMG_4856IMG_4860IMG_4865IMG_4870IMG_4873IMG_4874IMG_4877IMG_4881IMG_4888IMG_4889

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor