Sawiro : Sidee ayuu Noqday xaalka Ninkii Ugu Buurnaa Dunida?!

Waxaa baraha bulshada ku xiriirto ee-(Social Media)-ku baahay siiba kuwa Sacudiga sawirrada Khalid Alshaaciri-Nin dhallinyaro Sacuudi ah kaasoo lumiyay culeys dhan 542KG, kadib markii uu miisaankiisa noqday 68.

Khalid oo ka soo jeeda Koonfurta Sacuudiga culeyskiisa waxa uu ahaa 610KG, ka hor inta uusan helin daryeel uu u fudiyay Boqorkii geeriyooday ee Cabdalla Bin Cabdil-Caziiz.

Sawirradi hore iyo kuwa haatan ayaa hareeyay tirsiyada ay muwaadiniinta khaliijka ku leeyihiin barta Twitter-ka.

Professor Caa’id Alqaxdaani, oo xaaladiisa la socday ayaa baahiyay muuqaal soo bandhigay heerarka uu soo maray wiilkaas da’da labaatanaadka ku jira.

Waxaa xusid mudan in warbaahintu ay dul istaagtay xaaladda wiilka dhallinyarada wixii ka danbeeyay 2013 markaasoo uu Boqor Cabdalla faray in lala socdo xaaladda Shaaciri lana daweeyo.

Sanadkii 2013 ayaa Shaaciri diyaarad looga soo kaxeeyay hoyga uu ka degganaa magaalada Jazan ee koonfurta Sacuudiga oo la gaarsiiyay magalada Riyaad. Howlgalka kaxeynta Shaaciri waxaa ka qeybgalay 16 qof iyo gaadiidka wax xambaara ee Forklift.

W/D. Abubakar Mohamed Ali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media