Sawiro:-Shirweynaha Qaran ee Dib u Heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay Shirweyne Qaran oo dib u hehsisiin ah kas oo ay horay u iclaamisay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Shirkaan oo haatan ka socda Hotel city Plaza  ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya C/faarax Siciid Juxa,iyo sidoo kale Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida ugu fudud ee looga gudbi karo dhibaatooyinka mararka qaar ka dhex dhaca Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo sidii dib u heshiisin loo kala dhex dhigi lahaa.

Gaba gabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo hordhac ah kaas oo xal u noqonaya dhibaatooyinka sababa dagaalada sokeeye.

Sawiro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media