Sawiro:-Shariif Xasan oo tagay Isbitaalka Magaalada Baydhabo kadib dagaalkii….

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shalay Magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka koonfur Galbeed kuwaas oo lagu daweynayo Isbitaalka Gobolka Baay oo ku yaalla M/Baydhabo.

Booqashada ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Iyo Kuwa Maamulka koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa Kormeeray xaaladda caafimaad sida ay tahay dadkii ku dhaawacmay iska Xor imaadkii  ka dhacay magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay isagoo Warbaahinta la hadlayay in uu aad uga xun yahay wixii dhacay islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media