(SAWIRO): Senator Abshir Bukhaari: Siyaasi Ku-dayasho mudan U Adeegidda Dadweynaha.

Senator Abshir Axmed Bukhaari oo ka mid ah 54-ka Xildhibaanadda cusub ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee aan weli la dhaarinin waxa uu Xafiis loogu adeegsayo Bulshadda ka furay magaalladda Cadaado oo ah Caasimadda KMG ee Maamulka Galmudug.

Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuu go’aankaasi qaatay kadib, markii uu ogaaday inuu Xafiiskan uu bilow muhiim u yahay Dowlad-wanaagga iyo in la abuuro  Hoggaan ku salaysan Ficil iyo Isla-xisaabtan Furan.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu  diyaar u yahay inay la xisaabtaan guud ahaan Ummadda Soomaalida, gaar ahaan Bulshadda ku nool Deegaanka isaga laga soo doortay.

Mar uu ka hadlayey Ujeedada uu u furay Xafiiskaasi waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu Xafiiska u adeegayo Bulshadda oo dhan, gaar ahaan Dhallinyarada iyo weliba dadka fursadda u waayey inay codkooda ku soo doortaan Hoggaamiyayaashooda caqabadaha laga dhaxlay Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5

senator-bukhariWaxa uu intaasi ku daray in Xafiiskaasi loogu tala-galay inay Jiilka soo korayo.isku weydaarsadaan Fikradaha iyo Horumarinta Mustaqabalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda uu Senator Abshir Bukhaari Xafiiska Adeegga Bulshadda kaga furay magaalladda Cadaado ayaa u muuqata Tallaabo dhiiri-gelin mudan, isla markaana loo baahan yahay inay Siyaasiyiinta, gaar ahaan Xildhibaanadda haatan la doortay inay culayska saaraan Horumarinta Adeegyadda Bulshadda, si ay u noqdaan Mas’uuliyiin sumcad ku dhex leh dadkooda iyo dalkooda hooyo.

senator-abshir

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor