(SAWIRO): Saxafi Somaaliyeed oo ka mid noqday dadka ku guuleystay Abaalmarinta Hay’adda St. Paul’s Bush Foundation.

Hay’adda St. Paul’s Bush Foundation ayaa soo bandhigtay magacyadda Tobaneeyo qof oo loo aqoonsaday xubnaha ugu firfircoon sannadkan 2016-ka.

Labo dersin oo rag iyo dumar oo ay ku jiraan Macallimiin, Shaqsiyaadka bixiya Adeegyadda Bulshadda, Dhakhtar Cilmi Nafsiga iyo Gurbaan-garaace.

24-ka qof ee la magacaabay waxaa figta sare kaga jira Saxafiga Somali-Maraykanka ee Mukhtaar Ibraahim oo u shaqeeya Idaacadda Minnesota Public Radio News oo uu ka yahay Weriye (MPR News Reporter), waana Aasaasaha Wargeyska Sahan Journal oo ah Il-wareed madax-bannaan oo soo xigta wararka Bariga Afrika iyo Soomaalida ku nool Magaallooyinka Mataanaha ee Maraykanka.

Mukhtaar Ibraahim waa Saxafigii ugu horreeyey ee Somali-Maraykan ah oo ka shaqeeya Warbaahin ku taalla Magaallooyinka Mataanaha (Minneapolis–Saint Paul) ee dalka Maraykanka.

Mukhtaar Ibraahim waxa uu qorsheynayaa inuu Jamaacadda Columbia University ku dhamaysto Shahaadada (Master degree) ee Saxaafadda.

Hay’adda Bush Foundation waxay sannadkan dadkaasi u xusheen diiwaankooda guusha ee awoodaha aan caadiga ahayn iyo dadaalkooda ku aadan saamiga weyn ee ay ka geystaan Minnesota, North Dakota, South Dakota.

Hay’adda St. Paul’s Foundation waxay Xubnaha ay sannadkan magacaabeen siinayaan tabarucaad lacageed oo dhan 100,000 Dollar  si ay ugu horumariyaan Khibradooda iyo Aqoonta Hoggaamineed, Horumarinta Waxbarashadda, Fursadaha Isgaarsiinta, Tababaradda iyo Seminaaradda.

Xubnaha kale ee Soomaalida qeybta ka ah dadka ku guuleystay Maalgelinta Hay’adda Bush waxaa ka mid ah:- Cabdi Rooble iyo Xamsa Warfa.

HAMSA WARFAABDI ROBLEH

Madaxda iyo Shaqaalaha Warbaahinta Dalsan Media Network waxay u hambalyeynayaan Mukhtar Ibrahim. Cabdi Rooble iyo Xamsa Warfa dadaalkooda ku aadan Horumarinta iyo Wax-u-qabashadda Bulshadda Soomaalida, gaar ahaan Dhallinyaradda ku nool Magaallooyinka Mataanaha ee dalka Maraykanka.

BUSH FOUNDATION

LINKS: https://www.bushfoundation.org/news/announcing-2016-bush-fellows

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor