(SAWIRO): Safaarad Maraykan oo been Abuur ahayd (Fake U.S. embassy) oo lagu arkay caasimadda dalka Gaana

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Safaarad macmal ah oo laga dhigay Safaaradda Maraykanka la xiray.

Koox Dembiilayaal ah ayaa muddo 10-sanno ah si sharci-darro u bixin jireen Fiisooyinka lagu galo Maraykanka uga bixin jirey Safaaradda Maraykanka ee Been Abuurka (Fake U.S. embassy).

Xubno u kala dhashay dalalka Gaana iyo Turkiga ayaa ka shaqeyn jirey Safaaradaasi, iyadoo Qareen u dhashay Gaana ka taageeri jirey Hawlahooda.

Muwaadiniin u dhashay Turkiga oo ku hadli kara Luqadaha Englishka iyo Dutch (Dhajka), kuwaasi ayaa la sheegay inay iska dhigi jirey Saraakiisha Qunsuliyadda iyo Shaqaalaha Hawlgalladda.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay Baarayaasha xitaa kashifeen Safaarad been Abuur ah oo dalka Holland oo ku taalla caasimadda dalka Gaana ee Akra.

fake-us-embassy-in-accraShabakadda dembiyadda waxay kaloo bixin jireen Fiisaha Maraykanka iyo Dukumenti macmal ah oo ay ku jiraan Shahaadooyinka Dhalashadda oo midiiba lagu iibiyo 6-kun oo Dollar.

Inta uu socday Hawlgalka waxaa la xiray tiro dad ah iyo Fiisooyinka dalalka Hindiyam, Koonfurta Afrika iyo 150- Baasaboor oo 10 Waddan laga isticmaalo, Laptop iyo Mobaylada loo yaqaano Smart Phones.

Dhinaca kale, Safaaradda rasmiga ee Maraykanka ku leeyahay dalka Gaana waxay ku taalla deegaanka ugu qaalisan Caasimadda, iyadoo dad badan maalin kasta saf u taagan yihiin duleedka Safaaradda, iyagoo doonaya Fiiso iyo Hawlaha Qunsuliyadda,

accra-fake-us-embassy

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor