SAWIRO RW Kheyre oo Cisbitaalka ku Booqday Abwaan Sangub ,Fanaanad Seynab Xaaji Baxsan, Wasiir Nuur farax iyo Wariye Karazaay

Ra´isle wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday dhawr cisbitaal oo ay ku jiraan Wasiir Nuur Faarax , Fanaanada weyn Zeynab Xaaji Baxsan , Abwaanka Weyn Sangub iyo Wariyaha Universal TV Abdi Hamiid Karazaay.

Ra´sal wasare Kheyre aya ku hormaray cisbitaal Digfeer oo ay ku siren wasiir Nuur Faarax iyo Abwaan sangub waxaana booqashadiisa oo kadis aheyd ku wehlinayey wasiirka amniga iyo wasiirka isboortiga Ducaale iyo Khadiija Diiriye .

Ra´sal wasaaraha kadib waxuu usoo gudbay cisbitaal Madiina oo uu ku jiro Wariye Abdixamiid halkaas oo uu ehelkiisa kula kulmay .

Racial wasaaraha iyo wasiiradiisa ayaa u duceeyey dhamaan bukaanadi ay booqdeen , waxaana uu si gaar ah bartiisa twitterka ugu xusay fanaanada Baxsan iyo Sangub iney yihiin halyeeyo uso halgamay Soomaaliya oo aysan xukuumadiisa dayaci doonoin

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor