(SAWIRO): Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday deegaanka Garas-Baaleey ee duleedka Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay gacan siin doonto, isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Maanta waxaan halkan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xili adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay Xukuumadda iyo golleyaasha kale ee Baarlamaanka. Waxaa ilaa iyo maalintii aan dirnay baaqa na soo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta in ay aad u kala badan yihiin” ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah iyo meela cuntada loogu kariyo, wuxuuna uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka dhiban.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dhowr goobood oo kala duwan loo diyaariyey dadka soo barakacay isla markaana Maamulku uu diyaar u yahay kaalinta uga aadan gurmadka walaalaha Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media