(Sawiro): Qaabka Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyey Addis Abeba.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalladda Addis Abeba.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, Wasiiro iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia  iyo qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Addis  Abeba.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho 2 cisho ku joogi doona Addis Abeba, waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, Mulato Tshome iyo RW Haile Mariam.

Waa Booqashadii 1-aad ee uu Farmaajo isagoo Madaxweyne ah ku tago Addis Abeba, inkastoo xilligii uu ahaa Ra’isul-wasaarihii Dowladda KMG uu  booqday bishii December ee sannadkii 2010-kii.

farmaajo 1

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media