(SAWIRO): Ninkii ugu da’da weynaa Caalamka oo geeriyooday.

Nin u dhashay dalka Indonesia oo sheegtay inuu yahay Ninka ugu da’da weyn Caalamka ayaa geeriyooday, isagoo 146-jir ah.

Mbah Gotho oo ahaa Awoowihii ugu sii weynaa oo ka soo jeeda Bartamaha Jesiiradda Java waxa uu qabay 4 xaas iyo 10 walaalihiisa iyo dhamaan carruurtiisa.

Bishii hore ee April 12-dii ayaa l dhigay Isbitaalka, balse 6 maalmood kadib ayuu geeriyoody, isgoo diiday inuu wax cuno am cabo.

Odaygaasi wax uu sannadkii hore Wararka ugu horreeya Caalamka, kadib, markii uu soo bandhigay Dukumenti muujinayo inuu dhashay bishii December ee sannadkii 1870-kii.

Saraakiisha dalka Indonesia waxay xaqiijiyeen in Waraaqahiisaa Dhalashadda ahaayeen kuwo sax ahaa.

Qofka ugu da’da weynayd Caalamka ayaa ahayd Haween ka soo jeeda dalka Faransiiska oo la oran jirey Jeanne.Calment, taasi oo ku geeriyootay da’da 122-ka.

©Radio Dalsan