(SAWIRO): Ugu yaraan 2 qof oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Koonfur Afrika.

Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay toogasho ku dileen Nin Soomaali ah, kaasi oo Xilligii Salaadda Subax ee saakayto tooreey ku dilay 2 qof oo ka mid ahaa dadkii ku cibaadaysanayey Masjid ku yaalla Degmadda yar ee Beeraha leh ee  Malmesbury oo 70 KM (43 mayl) dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Cape Town.

Ninka dilka geystay oo da’da 30-aadka ku jiray ayaa la sheegay inuu 2-qofdilay, halka dhowr kalena uu dhaawacay, ka hor intaysan Boliska tooganin.

Boliska waxay sheegeen inuu Ninkaasi diiday inuu is-dhiibo, taasina ay keentay in lagu toogto meel 200 mitir u jirta Masjidka.

Marxuuminta la dilay waxaa la sheegay inay maalmahan Masjidka u joogeen  Ictikaaf, sida ay sheegeen ehelladooda.

Goobjooge ayaa sheegay in Gacan-ku-dhiiglaha uu soo galay Masjidka oo mugdi ah, isagoo ku dhawaaqayay magaca nin Soomaali ah, kadibna uu Tooreey ku dilay 2 qof, kuna dhaawacay dhowr kale.

Marxuuminta la dilay waxaa la sheegay inay maalmahan Masjidka u joogeen  Ictikaaf, halka kuwa la dhaawacay ka mid ahaayeen dadkii ku tukanayey Masjidka.

Mid ka mid ah Marxuuminta waxaa la oran jirey Ismaaciil Bassa oo 74-jir ah, halka dadka la dhaawacay ka mid yihiin ahaa Wiil uu isagu dhalay oo lagu magacaabo Faysal oo 24-jir ah, kaasi oo Tooreey looga dhaawacay Wejiga iyo Gacanta.

Mid ka mid ah Wiilasha Marxuumka oo lagu magacaabo Sacuud Bassa oo 30-jir ah oo la hadlay Shabakadda News24 ayaa sheegay inay isaga iyo waalidkiida dagaal la galeen Gacan-ku-dhiiglihii dilay Aabahooda saacadihii hore ee Waaberigii maanta.

Waxa uu tilmaamay inuu Aabahodoa xilligaasi dhex hurdayey Masjidka, maadaama uu Waayadan dambe Masjidka ku sugnaa, kuna ictikaafayey.

Sacuud Bassa waxa uu tilmaamay in Gacan-ku-dhiiglaha oo watay Mindi dheer uu codsaday inuu habeenkaasi seexdo Masjidka,

Dhinaca kale, Dadka la dhaawacay waxaa ka mid ahaa Nin Soomaali ah oo ka mid ahaa Soomaalidii  ku cibaadeysanayey Masjidka.

Halkan ka daawo Muuqaalka Dhacdadaasi:  

https://youtu.be/7nn0oy21diY 

WQ; Ustaad Nuradin