(SAWIRO): Nin ku dawarsan jirey inuu yahay Gacaneey oo lagu qabtay Kampala.

Xeelladaha ay qaar ka mid ah dadka dawarsada adeegsadaan ayaa ah kuwo aan si fudud lagu ogaan Karin, maadaama uu qof kasta oo wax haysta u beer debco haddii ay arkaan dad masaakiin oo ka dhex tuugsanaya Xaafadaha iyo Suuqyadda.

Laakiin, Caasimadda dalka Uganda ee Kampala waxaa dhawaan lagu qabtay Darwarsade been ah “A fake beggar”.

Hadal ka soo baxay Boliska magaalladda Kampala ayaa sheegay inay qabteen Dawarsade Beenaale ah, kaasi oo lacag weydiisan jirey dadka aan ka shakanin ee jidka maraya.

Saraakiisha Saldhigga Boliska ee Min Price Police waxay maalintii Isniintii ee la soo dhaafay gacanta ku dhigeen Ninkaasi oo iska dhigi jirey inay Gacan ka go’an tahay. Isagoo mid ka mid ah gacantiisa ku duubi jirey wax u muuqday dhar u muuqaal ek Faashad, si uu isaga dhigo inuu Gacameey yahay.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Shafik Bakulu Mpagi waxay Boliska qabteen, kadib, markii uu u soo fara muuqay qof Saaxiib dhow la ahaa, kaasi oo arkay saaxiibkiisa oo ka dawarsanaya halka laga galo Suuqa Mukwano Arcade ee magaalladda Kampala.

Boliskii waxay tageen halkii Ninkaasi loogu tilmaamay, waxayna ku amreen inuu gacantiisa ka furo dharka uu ku duubay, waxaana la ogaaday inuusan Gacameey ahayn.

Dadkii ku soo xoomay goobtaasi waxay naxdin ka qaadeen xeelladda uu ninkaasi ku dawarsan jirey.

Boliska waxay sheegeen inuu Shafik Bakulu Mpagi haatan ku xiran yahay Saldhigga Boliska ee Mini Price Police Station, laguna soo oogay inuu shacabka khiyaani jirey.

WQ: Ustaad Nuradin

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media