(SAWIRO): Muwaadin Maraykan la sheegay inuu soo muslimay oo dood ka dhex dhaliyey Minneapolis.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in Dhallinyaro is-xilqantay oo dadka ku boorinayo Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka lagu dhex arkayo magaalladda Minnepolis.

Muwaadin Maraykan ah oo la sheegay inuu dhawaan soo islaamay, laguna magacaabo C/llaahi Rashiid ayaa sheegay inay ku soo rogeen Xaafadda Cedar  Riverside ee magaalladda Minneapolis waxa uu ugu yeeray Qeybta Rayidka ee Shareecadda Islaamka.

Tallaabadaasi waxaa aad uga carooday Dadka Deegaanka iyo Hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee deggan Gobalka Minesota.

 C/llaahi Rashiid oo 22-jir ah, kana soo jeeda Gobalka Georgia waxa uu Xaafadda Cedar Riverside u soo wareegay sannadkii hore, isagoo guursaday Haweeney Soomaali ah oo  lagu magacaabo Khadra.

C/llaahi Rashiid oo horey loo oran jirey Devon James Miller waxa uu socod ku dhex mraa Xaafadaha ay ku badan yihiin Jaalliyadda Soomaalida, isagoo dadka u sheega inaysan isticmaalin Khamri iyo Daroogada kale iyo Galmadda aan Sharciga ahayn.

Waxa kale oo uu gabdhaha Muslimiinta ku waaniyaa inay Xijaabka si fiican u xirtaan, isna asturaan.waxa kale oo uu qortay Dhallinyaro kale, si ay ugu soo biiraan Dadaalkiisa.

Shabakadda Wararka ee WorldNetDaily.com  ayaa qortay inuu C/llahi Rashiid ku labisan yahay Labiska Islaamka oo midabkiisu cagaar yahay, isagoo sheegay inuu yahay Boliska Diinta.

Wareysi uu dhawaan siiyey Wargeyska the Minneapolis Star-Tribune,  waxa uu sheegay inuu hadafkiisu yahay sidii Xaafadda Ceder-Riverside looga dhigi lahaa Deegaanadda Kontoroolka Shareecadda “a sharia-controlled zone”.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Deegaanka ayaa u sheegay Wargeyska The the Minneapolis Star-Tribune inay ka shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa Kooxda C/llaahi Rashiid o oay u arkaan Khatar cusub.

Boliska Maraykanka  waxay ilaalo ku hayaan Ninkaasi, inkastoo aan weli la xirin.

Xigasho: wnd.com

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media