SAWIRO: Muuqaalo cusub oo muujinaya Bistooladdii Dahabka ee Kolonel Qadaafi.

Weriye ka tirsan Idaacadda BBC-da oo socdaal uu ku dabagalayo qaabkii ay Maleeshiyooyinka Libiya u dileen Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Kolonel Mucamar Alqadaafi ayaa waxa uu soo arkay Sawiro cusub oo Mobayl lagu qaaday, kuwaasi oo aysan weli helin Saxaafadda Caalamka.

Weriyahaasi oo lagu magacaabo Gavriel Gatehouse waxa uu raadiyey Ayman Almani oo ahaa Maleeshiyo horey Mobaylkiisa ugu duubay markii la dilayey Kolonel Qadaafi, iyadoo Sawiradaasi ka muuqaal fiican yihiin Sawiraddii horey loo baahiyey markii ay Maleeshiyooyinka dileen Qadaafi 5 sanno ka hor.

Sawiradaasi waxaa ka mid ah qaabka ay Maleeshiyadda u dileen Hoggaamiyahaasi iyo qaabka u damaashaadeen markii ay dileen Qadaafi, kana qaateen  Bistooladii Dahabka ahayd ee uu Hoggaamiyihaasi lahaa oo isaga la dilay bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Kolonel Qadafi waxa uu Xukunka dalka Libya ku qabsaday Afgembi sannadkii 1969-kii, waxaana ugu dambeyntii xilka looga tuuray Kacdoon Dadweyne oo ay Dowladaha Isbahaysiga NATO hawada ka taageerayaan.

DAAWO SAWIRADA:-

QADAAFI3 QADAAFI4 QADAAFI5 QADAAFI2 QADAAFI1 QADAAFI00

 

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor