(SAWIRO): Musharax Madaxweyne Jibriil Ibrahim Cabdulle oo Socdaalka Ololihiisa Doorashadda ku tegay Kismaayo.

Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo maalmahan Socdaal ku aadan Ololihiissa Doorashadda ku marayey Goballadda dalka, waxaa maanta uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Kismaayo ee Gobalka J/hoose.

Musharx Jibriil waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Madax ka tirsan Maamulka Jubbaland, Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaasha Dhaqanka iyo Boqolaal ka tirsan Ururadda Bulshadda ee ku nool magaalladda Kismaayo, kuwaasi oo ruxayey Sawirka Musharax Madaxweyne Jibrriil.

Waxa uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe kula kulmay Aqalka Madaxtooyadda ee Kismaayo, waxayna ka wada hadleen Ololaha Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee la qaban doono dabayaaqadda bisha soo socoto ee November.

Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulel waxa uu sheegay inay Booqashadiisa ku salaysan tahay sidii uu Maamul-gobaleedyadda iyo Dadweynaha ku nool Goballadda ugu faahfaahin lahaa Qorshihiisa Siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaamin doono haddii uu ku guuleysto Doorashadda Madaxweynaha.

Musharaxa waxa uu horey Socdaal ku aadan Ololihiisa Doorashadda ku soo kala bixiyey magaallooyinka Baydhabo, Bosaaso iyo Qardho.

si kastaba ha ahaatee, Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ah Aqoonyahan da’ yar oo leh Khibrad uu ku hoggaamin karo Talada Qaranka, wuxuuna muddo dheer ka soo shaqeeyeen Hawlaha Xalinta Khilaafyadda iyo Wada-xaajoodka Bulshadda ee Arrimaha Nabadda.

musharax-jibril-iyo-axmed-madoobe
musharax-jibriil-01 musharax-iyo-madax-kale musharax-3 musharax-03 musharax4 musharax-1

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor