(SAWIRO): Munaasbadda 5-guuradii Radio Dalsan oo xalay lagu qabtay Xarunta Idaacadda.

Munaasabad ballaaran oo lagu maamusayo 5-guuradii Asaaska Radio Dalsan ayaa waxaa  Fiidnimaddii xalay lagu qabtay Xarunta Radio Dalsan ee magaalladdan Muqdisho.

Munaasabadaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalsan, Maxamed Ibraahim Cali “M.Cajiib” iyo Agaasimha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey, waxayna ka warbixiyeen Hadafka loo asaasay Radio Dalsan iyo Hiigsiga Mustaqbalka.

Mas’uuliyiinta waxay tilmaameen in lagu guuleystay badi Hadafkii loo asaasy Radio Dalsan, isla markaana ay kasbatay Malaayiin Macaamil ah, kuwaasi oo si joogta u dhegeysta Radio Dalsan, isla markaana had iyo jeer daalacda Wararka iyo Dhacdooyinka lagu soo daabaco Websaytka Radio Dalsan Qeybta Afka Soomaliga iyo English-ka.

Guddoomiyaha Warbaahinta Dalsan, Maxamed Cajiib  waxa uu si gaar ah u sheegay inay Idaacadda 5 Xaruun Warbaahineed ku leedahay Muqdisho, Jowhar, Cadaado, Baydhabo iyo Wanle-weyn, lana rajeynayo in kuwo kala laga furo Gaalkacyo iyo Cadale.

Agaasime Geesey waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyeen dhamaan Marti Sharafta ka soo qeyb gashay Xaladda Casho ee lagu maamusayey 5-guuradii Asaaska Radio Dalsan.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” ayaa ka hadlay Munaasabadaasi, wuxuuna u hambalyeeyey Maamulka Sare ee Radio Dalsan iyo  Madaxda Qeybaha iyo guud ahaan Shaqaalaha, wuxuuna ku booriyey inay sii laban-laabaan Adeegga Warbaahineed ee ay u hayaan Bulshadda.

Wasiir Yariisow waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka ka go’an tahay Dhiiri-gelinta iyo Taageeridda Saxaafadda Xorta ah, si loo helo Baraarug dhan kasta ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inay Dowladda ka go’an tahay inay la shaqeeyaan Warbaahinta Madaxa-bannaan si loo gaaro Yoolka Warbaahineed ee lagu horumarinayo dadka iyo Dalka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Somalia, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa isagana bogaadiyey Radio Dalsan, wuxuuna ammaanay Hawsha lama illaabaanka ee ay u hayaan Ummadda.

Agaasimaha oo isagu ah Khabiir Saxaafadeed waxa uu tilmaamay inuu si joogto u daalacdo Websaytka Radio Dalsan, kuna qanacsan yahay Wararka iyo Warbixinadda lagu soo daabaco.

Sidoo kale, Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye, Malaaq Cali Malaq Wehliye oo ku hadlayey magaca Dhaqanka aya waxa uu bogaadiyey Madaxda iyo shaqaalaha Radio Dalsan, isagoo u rajeeyey Mustaqbal Wacan.

Si kastaba ha ahaatee, Idaacadda Radio Dalsan oo la asaasay bishii April 2-dii ee sannadkii 2012-kii waxay ka mid tahay Warbaahinadda safka hore kaga jira Idaacadaha loogu dhegeysiga badan yahay, kuna caan baxay Dhexdhexaadnimo, Xog-sheeg iyo Tebinta Dhacdooyinka Taagan.

  

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media