(SAWIRO): Midowga Europe oo xaqiijiyey inay sii wadayaan Taageeradda ay siiyaan Dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha cusub ee Midowga Europe ee Somalia, Veronique Lorenzo waxay maanta Waraaqaheeda Aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheekh Maxamuud oo ay kula kulantay Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia..

Veronique Lorenzo oo maanta booqashadeeda Koowaad ku timid magaalladda Muqdisho waxay xaqiijisay in Midowga Europe taageero la’aan ah siinayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxay kaloo ka hadashay xiriirka Iskaashiga ee qotadda dheer ee u dhexeeya EUda iyo Somalia.

“Waxaan Somalia imid xilli ay Dadka Soomaaliyeed dooranayaan Hoggaamintooda si Somalia loogu hago Xilliga cusub ee Nabadda iyo Barwaaqeyn” ayey tiri Ambassador Veronique Lorenzo.

Waxay intaasi ku dartay inay uga  mahad celinayso Geesinimadda iyo Ballanqaadka dhamaan kuwa qaaday Mas’uuliyadda si loo gaaro Horumarkaasi iyadoo loo marayo Nabad buuxda, Caddaalad ay ku kalsoonaan karaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Mar ay ka hadlaysay Qaabilaadda uu Madaxweyne Xasan Shgeekh Maxamuud kaga guddoomay Waraaqaheeda Aqoonsiga waxay sheegtay inay taasi muujinayso Xirriirka Somalia iyo EUda, waxayna carrabka ku dhufatay inay Midowga Europe sii wadi doonaan Taageeradda ay siiyaan Dadka Soomaaliyeed.

danjiraha-eu-ee-somalia madaxweynaha-iyo-safiirka-eu

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media