(SAWIRO): Maxkamadeynta Arday Soomaali oo ku nool Australia oo dib loo dhigay.

Cali Khaliif Cali oo 21 jir waxna ka barta Jaamacad ku taalla dalka Austyralia ayaan shalay soo xaadirin Maxkadda, sida uu qoray Wargeyska The Herald Sun ee ka soo baxa dalkaasi.

Ardaygaasi waxaa uu ku eedeysan yahay inuu qorsheynayey inuu Weerar Aregagixiso ka geysto Munaasabadii dhalashadda sannadkii hore ee 2017-kii, waa sida hadalka loo dhigay.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha xiriir la leeyahay Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, isla markaana uu qorsheynayey inuu toogasho baahsan ka geysto Munaasabad loogu dabaal degi lahaa Dhalashadda sannadkii hore oo lagu qaban lahaa Fagaaraha Federation Square ee ku yaalla magaalladda Melbourne  oo ah magaalladda 2-aad ee ugu dadka badan dalka Australia iyo caasimadda Gobalka Victoria.

Dhinaca kale, hadal ka soo baxay Saraakiisha Xabsiyadda ee dalka Australia ayaa sheegay in ay dib u dhacday Maxkamadaynta Eedeysane Cali Khaliif Cali oo la filayey in shalay la soo taago Maxkamadda.

Eedeysanaha oo deggan magaalladda WERRIBEE ee Galbeedka magaalladda Melbourne ayaa la filayey in shalay la soo taago Maxkmadda Melbourne si loo go’aansado haddii la soo gole joojin karo iyo in kale..

Wargeyska the  The Herald Sun ayaa qoray inuu Eedeysanaha ku guul-daraystay inuu hor yimaado Maxkamadda, kadib, markii uu boos ka waayey Baska Xabsiga ee la doonayey in lagu geeyo Xarunta Maxkamadda.

Garsoore Simon Zebrowski oo la hadlay Wargeyska The Herald Sun waxa uu xaalladda ku tilmaamay wax weyn oo aan caadi ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, lama shaacinin xilliga Eedeysanahaasi mar kale la soo taagi doono Maxkamadda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media