Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Ninkii dilay Wasiir Siraaji+Sawiro

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta markale u fariisatay Dacwadii loo heestay ragii dilay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta xukuumada Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo dhowr mar dib loo dhigay.

Maxkamada ayaa ugu dambeen Maanta soo saartay Go’aankii ugu dambeeyay oo ah Xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi cabdi oo loo heesto in uu isaga gacantiisa ku dilay Marxuum Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Sidoo kale Maxkamada ayaa  waxay Amartay in xabsiga laga siidaayo  Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo ka mid ahaa labadii loo heestay dilkaas hadii aan loo haysan dambi kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalbaka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirarda

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media