(SAWIRO): Mariniska Maraykanka oo Doonidii 3-aad oo shixnad hub waday ku qabtay Badda Carbeed.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Badda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee ka hawlgala Badda Arabian Sea inay gacanta ku dhigeen Doonidii saddexaad ee hub sharci-darro ah waday, kana soo shiraacatay Xeebaha dalka Iiraan.

Doonida ayaa laga shaki qabaa inay hubka u waday Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Hadal-qoraal oo ay baahiyeen Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Taliska Dhexe ee Mariniska Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Baxrayn ee Manama ayaa lagu sheegay in Markabka Ilaaladda xeebaha Maraykanka ee USS Sirocco ayaa ilaalo ku hayey Doonidaasi la qabtay.

Waxayna Mariniska Maraykanka baaritaan kadib ka heleen doonidaa shixnad hub oo ka koobnaa 1,500 Qoriga AK 47, 200 Gantaalladda Baasuukaha iyo Qoryaha boobayaasha oo dhumucdoodu dhan tahay 21.50-caliber Machine Guns.

Doonida la qabtay ma lahayn wax Aqoonsi ah, waxaana loo aqoonsaday Dooni aan dal lahayn.

Hubka lagu qabtay Doonidaasi ayaa noqonayso tii 3aad o oay Ciiddanka Caalamiga ku qabtaan Badda Carbeed, iyadoo labadii doonyood ee ka horreeyey oo Iiraan ka soo ambabaxay ay shixnad hub u soo wadeen Somalia.

Gravely_guns

Xigasho: maritime-executive.com

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor