(SAWIRO): Maleeshiyadda Garabka Bidix oo sheegtay weerarkii ka dhacay Istanbul.

Hadal qoraal oo la soo dhigay Websayt ku dhow Kooxda DHKP-C ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii ay labo haween oo hubeysan ku weerareen Bas ay Boliska lahaayeen oo marayey bartamaha magaalladda Istanbul.

“Waan idiin hambalyeynaynaa, Labadiina Haweenka Dagaalamayaasha Xornimo-doonka ee garbahooda ku qaaday weerarka” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Labo Haween oo hubeysnaa ayaa waxay rasaas iyo bambooyin la beegsadeen Boliska, ka hor inta aan lagu dilin israsaasayn ka dhacay guri ay gabaad ahaan u galeen.

Dhinaca kale, 3 Askari iyo 10 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda PKK ayaa lagu dilay labo iska-horimaad oo ka dhacay K/bari ee dalka Turkiga, kuna dhow xuduudka dalka Syria.

istanbul5 istanbul 4 istanbul1istanbul 3

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor