(SAWIRO): Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Ciraaq.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyadda  ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, Iyaad Calawi oo maanta booqasho ku yimid magaalladdan Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Iyaad Calawi waxay ka wada hadleen Xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan, La-dagaalanka Argagixisadda iyo Taageeradda ay Dowladda Ciraaq ee dhinacyadda Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Dhinaca kale, Iyaad Calawi waxa uu mar sii horreysay la kulmay Ras’iul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Waddan iyo La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda.

Waxa kale oo uu Khudbad ka jeediyey Shirka Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka maanta ku yeesheen Xaruntooda Dhexe.

Dowladda Ciraaq waxay ka mid ahayd Dowladihii Carabta ee xiriirka fiican la lahaa Dowladdii Kacaanka, waxayna dalka ka hirgeliyeen Mashaariic badan oo ay ugu muhiimsanayd Wershaddii Sifeeynta Batroolka ee Jeziira.

IRAQ00 IRAQ1 IRAQ2 IRAQ5 IRAQ4 IRAQ6 IRAQ7 IRAQ2 IRAQ

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor