Sawiro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay Xarunta cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta dhaga dhigay dhismaha cusub uu yeelan doono xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug hadda malahan xarun Baarlamaan oo toos ah oo ay ku shaqeeyaan, marka laga soo tago inay ku shiraan hoolka Madaxtooyadda Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa sheegay dhismaha xaruntan inay ka caawinayso Galmudug Hay’adda UNDP oo mashaariic kala duwan ka fulin doonta Galmudug.

Wuxuu sheegay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday inay tahay arinta ku aadan dhagax dhigida xarunta cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi dhagax dhiga waxaa ku wehlinaayay wasiir ku xigeenka Howlaha Guud Galmudug Axmed Ilkacase.

Galmudug oo hadda yeelatay madaxweyne cusub ayaa la filayaa inay ka bilowdan mashaariic kala duwan oo dan ugu jirta dadka iyo deegaanka.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media