SAWIRO” Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda waddanka Norwey Borge Brebde oo booqasho rasmi ku yimi magalada Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa aad iyo aad u soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal,
Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Ugu Danbayntii Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa Galinkii hore ee Maanta Xafiiskiisa Ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya.





About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor