(SAWIRO): Madaxweyne Farmaajo oo booqasho 3 maalmood ah ku tegay Nairobi.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kadib, markii uu martiqaad ka helay  dhigiisa dalkasi, Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo waxaa la filayaa inuu berri Kulan la yeesho Uhuru Kenyatta.

Waxaa kaloo la filayaa inuu Madaxweynuhu ka qeyb galo Shirweynaha Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD maalinta Sabtida uga furmi doona Nairobi, kaasi oo looga hadli doono Mustaqbalka Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya iyo dalal kale.

Ilaa hal million oo qaxooti Somali ah ayaa la sheegay inuu ku sugan yihiin Xeryo Qaxooti oo ka furan dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Yemen.

Dhinaca kale, Booqashadda Madaxweyne Farmajo ee uu ku tegay dalka Kenya ayaa ku soo aaday, iyadoo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta  bilowgii isbuucan booqasho ku tegay Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose, isago ola kulmay Ciiddankiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Safarkiisa ayaa ahaa mid aysan ka warqabin DFS, mana jirin Fasax uu ka qaatay inuu gudaha soo galo Somalia, waxayna Tallaabadaasi xadgudub ku tahay Qaranimadda Somalia iyo Haybadda Dowladda Federalka.

Dowladda Kenya ilaa hadda wax raalli-gelin ah kama bixinin Booqashadaasi dhalisay Muran Diplomaasiyadeed, waxaana laga yaabaa inay Labada Madaxweyne si hoose u xaliyaan xadgudubkaasi.

 

President Uhuru Kenyatta meets Kenyan troops serving under the African Union Mission in Somalia on March 18./PSCU

 

FAUhuru Kenyatta_KDF_Somalia_PSCU

©Radio Dalsan