(SAWIRO): Madaxweyne Erdogan oo cambaareeyey weerarkii xalay ka dhacay Ankara.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu tilmaamay inuusan qaraxaasi dabcin doonin Hawlgalka ay kula jiraan Kooxaha Argagixisadda.

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, iyadoo 125 kalena ku dhaawacmeen, waana Weerarkii Labaad oo muddo bil gudaheeda ka dhaca Ankara.

Kooxaha Hubeysan ee PKK iyo TAK ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Weerarkan ayaa yimid labo maalin kadib, markii ay Safaaradda Maraykanka ee Turkiga ka digeen inay dhici karaan weeraro lala beegsado Dhismayaasha Dowladda ee ku yaalla Deegaanka Bajakelifler ee magaalladda Ankara.

Hadal ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka ayaa lagu cambaareeyey qaraxaasi, waxayna taageero u muujiyeen Dowladda Turkiga.

ANKARA02

ANKARA4

ANKARA5ANKARA777

ANKARA4444

ANKARA9999

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor