Sawiro:-Madaxweynaha Jubbaland oo markii ugu horreysay Xabsiga uu ku xiran yahay ku booqday C/Kariin Qalbi Dhagax

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa Xabsiga uu Adis-Ababa uga xiranyahay ku Booqday Sarkaalka ONLF C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Qalbi dhagax oo Bilowgii Augosto Nabad SUgida ka soo qabatay Koofurta Gaalkacyo, Waxaa 27 Augosto Dowladda Somaliya ay ku wareejisay Sirdoonka Itoobiya, Iyadoo diyaarad gaar ah looga qaaday Garoonka Muqdisho, waxey sii Martay Baydhabo iyadoo ugu danbeyn laga dajiyay Magaalada Godeey, waloow markii danbe laga sii wareejiyay.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubaland oo maalmahan Safar aan horay loo sii shaacin ku Jooga Itoobiya, ayaa Saaka tagay Xabsiga uu ku xiranyahay Qalbi Dhagax oo mar katirsanaa Saraakiishii Xooga Dalka Somaliya.

Axmed Madoobe ayaa ka wareystay Qalbi Dhagax Xaaladiisa Caafimaad iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin uu Dowladda Itoobiya kala kulmay mudada uu uxiranyahay.

Sawirran laga soo qaaday Kulanka Labadooda ayaa Muujinaya Qalbi Dhagax oo dhoola cadeynaya, Iyadoo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in Dowladda Itoobiya uu kala hadli doono sidii dib xoriyadiisa loogu siin lahaa C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay wareejisay.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa sidoo kale Todobaadkii hore kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Itoobiya ee la soo Magacaabay Bishii Hore ee April, Waxeyna ka wada hadleen arimo ay kamid tahay Dagaalka ka dhanka Shabaab.

Qalbi Dhagax oo mudo ku siman 10 Bilood u xiran Itoobiya, ayaa waxyaabaha loo heysto waxaa kamid ah Xasuuq la sheegay in Jabhada uu ka tirsanyahay ee ONLF ugeysatay Shacabka ku dhaqan Ismaamulka Somalida Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media