SAWIRO : Kulanki Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru oo ka Furmay Madaxtooyada Kenya

 

 

Kulankaasi oo hada bialwday  waxay kaga xaajoon doonaan Ajendayaal ay ka mid yihiin: Xoojinta Xiriirka Labada Dowladood, Arrimaha Ammaanka, Socdaalka iyo Xoojinta La-dagaalanka Alshabaab.

Labada Madaxweyne waxay kaloo meelmarin doonaan Dhaqan gelinta Heshiiska lagu joojinayo in Diyaaradaha ka simaanaya Somalia lagu hakiyo Degmadda Wajeer, si loogu sameeyo Baaritaan Rakaabka iyo Xamuulka saaran Diyaaradahaasi.

 

Labada Madaxweyne waxay kaloo qalinka ku duugi doonaan Heshiis Fududeynaya Fiisaha Dal-ku-galka iyo  Isku-socodka Muwaadiniinta Labada Dal, iyadoo Fiisooyinka la siinayo qofka marka uu ka dego Garoomadda Diyaaradaha ee Labada Caasimadood ee Mogadishu iyo Nairobi.

 

Xogaha Hordhaca ee aynu ka helayno Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta waxaa kaloo ka mid ah inay Dowladda Kenya u fududeyso Tas-hiilaadkooda dhamaan Muwaadiniinta Soomaalida ee wadata Baasaboorka Diplomaasiga iyo kan Shaqaalaha iyo in la tixgeliyo dadka Bukaanka ah ee wata Waraaqaha Caafimaadka si ay Adeeg Caafimaad uga helaan Isbitaalladda Takhasusiga ee ku yaalla magaalladda Nairobi.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo  isla eegayaan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya iyo sidii loogu fududeyn lahaa inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, iyadoo la raacayo Sharciga Caalamiga ee Dhowrista Xuquuqda Qaxootiga.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa inay maalinta Sabtida ee soo socota Kulan Khaas ah ku yeeshaan Nairobi, kaasi oo inta badan lagu lafagurayo  Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda iyo Xaalladda Ammaanka ee Geeska Afrika.

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor