Sawiro: Khasaaraha ka dhasahay Qaraxii ka dhacay Sacuudiga oo sii hordhay

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay gaari ku qarxay magaalada Qatif ee ku tala bariga dalka Sacuudi Carabiya.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku waramaysa in magaalada Qatif ee uu qaraxu ka dhacay oo xeebta ku taalla ay u badan yihiin Shiicadu.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa iyaduna soo xigatay qof goob jooga oo dalbaday in aan la magac dhebin, oo sheegay in baabuurta gargaarka degdegga ahi goobtaa shilku ka dhacay buux dhaafiyeen. Waxaanu qofkaasi yidhi “qarax aad u weyn buu ahaa”.

Dadka degan magaalada Qatif ayaa iyaguna u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen daryaanka qarax weyn isla markaana ay arkayeen qiiq cirka isku shareeray oo ka kacay goobta qaraxu ka dhacay.

Baabuurta gaashaaman ee booliiska ayaa sida dadka goob joogga ahi sheegayaan haatan ku gadaaman goobta qaraxu ka dhacay.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media