(SAWIRO): Kenya oo in ka badan boqol qof oo ku dhaawacantay Isbuurasho uu qarax sababay.

Ugu yaraan 108 qof ayaa maanta ku dhaawacantay Is-buurasho ka dhacday Dugsiga Adeeggaa Dhallinyarada Qaranka “The National Youth Service (NYS) Training School” oo ku yaalla Degmadda Gilgil ee Bartamaha dalka Kenya.

transformer explosionGoobjoogayaal ayaa sheegay inay dadkaasi isbuurteen, kadib, markii  ay maqleen qarax ka dhashay Qalabka Korantadda (A Transformer Explosion, oo ay u qaateen in Qarax lagu soo weeraray Xarunta NYC Training School.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa la dhigay dhowr Isbitaal, iyadoo dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin 5 haween.

Si kastaba ha ahaatee, Reer Kenya waxay qarax kasta oo ay maqleen u kala cararaan sidii Weer soo dhex galay Ariga oo kale, waxayna qarax kasta u qaataan inay Alshabaab weerar ku soo qaadeen goobaha ay joogaan.

NYC3 NYC2 NYC1 NYC

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor