Sawiro:-Jubbaland oo soo bandhigtay Ajaanib ka tirsaneyd Al-Shabaab

Maamulka degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbad Hoose ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta soo bandhigay Rag Ajaanib ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Raggaan oo gaaraya ilaa Saddex ayaa Maamulku waxa ay sheegeen in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Tanzania halka midka Saddexaad lagu sheegay in uu u dhashay dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobleey oo aan la xiriirnay ayaa ina waxa ay Dalsan u sheegeen in raggaan ay ka soo qabteen iyaga oo ka sii gudbaya Dhinaca Xadka gaar ahaan halka loo yaqaano tuulo Barwaaqo oo 12km u jirta Magaalada Dhoobley.

Weli Saraakiishu masheegin in raggaas ay ku qabteen Hub ay siteen,balse sida lagu daabacay Aljaziira qeybta Carabiga iyada oo la soo xiganayo mid ka mid ah ragaas oo Magaciisa lagu sheegay Ciise inuu sheegay in uu Soomaaliya u yimid Sanadkii 2014 in uu Diinta Barto haatana ay ka yimaadeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo ay Al-Shabaab Maamulaan.

Waxa uu sheegay in raga soo diray ee ka tirsan Al-Shabaab ay u sheegen in ay Kenya tagaan kadibna ay soo wici doonaan laakin la qabtay iyaga oo Kenya siigalaya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada raga la soo bandhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media