(SAWIRO): Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magalldda Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Dr. Taabid Cabdi Maxamed waxa uu maanta dib u dhagax dhigay Dugsigii hore ee Maxamuud Axmed Cali, kaasi oo ku burburay Colaadihii ka dhacay dalka.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Ku-xigeenadiisa waxay si wadajir ah u dhagax dhigeen Dugsigaasi oo laga hirgelin doono Xarun Xirfadaha lagu baro dadka ku nool magaalladda Muqdisho.

Guddoomiye Taabid oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa sheegay inuu Maamulkiisa qorsheynayo in dib loo dhiso Xarumaha waxbarashadda, si  wax loogu baro Ardayda Soomaaliyeed ee aan haysanin Waxbarashadda Tooska ah.

Munaasabadda dhagax dhiga ee Dugsigii hore ee Maxamuud Axmed Cali waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin iyo Dadweyne fara badan.

Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali waxaa loogu magac daray Aabihii W/barashadda Somalia.

©Radio Dalsan