(SAWIRO): Guddoomiye Taabid oo soo indha-indheeyey Xarumaha Dowladda Hoose iyo Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed oo uu wehliyo Guddoomiyaha xilka Maamulka Gobalka ka degayo, Sheekh Yuusuf Jimcaale waxay manata soo kormeereen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir “Ufficio Governo” ee magaalladdan  Muqdisho.

Guddoomiye Taabid waxa uu ku soo wareegay Xafiisyadda ku yaalla Aqalka Dowladda Hoose  ee Muqdisho, Waaxda Dab-damiska iyo Xarunta Dad qorista  ee D.H.EE.M, iyo Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Waxa uu Warbixino ka dhegeystay Guddoomiyaha uu xilka kala wareegayo, Sheekh Yuusuf Jimcaale oo sheegay inuu Maamulku ku tallaabsaday Hawl muuqata, isla markaana ay Madaxda iyo Shaqaalaha iska kaashadaan Horumarinta Adeegyadda Bulshadda ee Gobalka Banaadir.

Dhinaca kale, Xalad lagu maamusayo Xil-wareejinta Guddoonka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa la filyaa inay caawo ka dhacdo magaalladda Muqdisho.

warejin11

warejin1

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media