(SAWIRO): Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir, Xildhibaano iyo Fannaan booqday Degmadda Dayniile.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Taabid Cabdi Maxamed waxa uu maanta booqday Degmadda Dayniile, iyado ay wehliyaan Wasiirka Amniga gudaha ee XFS, Cabdi Faarax Juxa, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaano kale, Mas’uuliyiin iyo Fannaan ay ka mid ahaayeen Nimcaan Hilaac iyo Khadar Keyow.

Guddoomiyaha iyo Madaxda kale waxaa lagu soo dhaweeyey Hotelka Tropical; Village ee Degmadda Dayniile, halkaasi oo Madaxda ku daawadeen Bandhig Faneed iyo Khudbado.

Waxay kaloo Wafdiga soo booqdeen Isbitaalka weyn ee Dayniile, Saldhigga Boliska iyo Xarunta Maamulka Degmadda Dayniile.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee uu Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir, tan iyo markii uu xilkaasi si rasmi ahaan ula wareegay habeen hore.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media