(SAWIRO): Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho iyo Xaqiijinta Ammaanka.

 

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Taabid Maxamed Cabdi waxa uu si rasmi ahaan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Sheekh Yuusuf Jimcaale ugala wareegay Xilkaasi Munaasabad xalay lagu qabty Aqalka Gobalka Banaadir (Ex-Uficio Governo).

Guddoomiye Taabid waxa uu u mhdceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banadir oo uu xusay inuu wax badan ka qabtay Adeegyadda Bulshadda iyo sidii loo sugi lahaa Ammaanka Muqdisho.

Waxa kale oo uu ka hadlay Qorshihiisa Shqo ee Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna tilmaamay inuu xoogga saari doono Horumarinta iyo Sugidda Ammaanka, si ay Muqdisho u noqoto magaallo aad ammaan u noqoto.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Taabid Maxamed Cabdi waxa uu soo hadal qaaday Maqaamka Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay muhiim tahay inay Reer Muqdisho yeeshaan Xuquuqda ay Dadka kalev leeyihiin.

Hadalkaasi waxa uu ku muteystay sacab aan kala go’ lahayn, isagoo sheegay inay Muqdisho gaari doonto Horumar ballaaran oo la wada dareemi doono.

Waxa kale oo uu ka hadlay Dilalka qorsheysan  iyo Qaraxyadda ka dhaca Muqdisho, wuxuuna ballan-qaaday in Degmooyinka loo samayn doono arumaha Gurmadka Degdegga, isla markaana la qaadi doono Tallaabooyin lagu joojin doono  Dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyadda ka dhaca Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha XFS,  Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faraax Juxa ayaa iyagana ka hadlay Munaasabadda Xil-wareejinta ee Gobalka Banaadir, waxyna bogaadiyeen Guddoomiyihii hore, Sheekh Yuusuf Jimcaale.

RW Kheyre  wax uu carrabka ku dhuftay in Hwshii Guddoomiye Yuusuf tahy mid muuqata, wuxuuna ugu baaqy inuu sii wado Hawsha uu ugu adeegayo Dadka iyo Dalka.

Waxa kale oo uu ka hdlay Qorshaha Xukuumdd Federalka ee Ammanka Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaan loo dul-qaadan doonin Nabadgelyo-xumida Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir Juxa ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inay Reer Muqdisho mustaqbalka yeeshaan Madax ay Shacabku soo doortaan.

Waxa uu ugu baaqay Maamulka Cusub ee Gobalka Banaadir iyo Dadka Reer Muqdisho inay yeeshaan Iskaasi, si loo sugo Ammaanka, loona gaaro Horumar dacal kasta leh.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyihii Goblka Banaadir, Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa ka hadlay Munaasabadd Xil-wareejinta, wuxuuna Maamulka iyo Shaqaalaha Gobalka Banadir ku booriyey inay si wadajir ah ula shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed.

Sheekh Yuusuf waxa uu xilkaasi hayey muddo hal sanno iyo bar,wuxuuna qabtay Shaqooyin waxtar  u leh Bulshadda iyo Sharafta Caasimadda dalka ee Muqdisho.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media