Sawiro:-General Moorgan oo si weyn Puntland loogu soo dhaweyey xilli la hadal hayo inuu musharaxiinta…

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan Oo Kamid ahaa Saraakiisha Dowladii Kacaanka ayaa Lagu soo Dhaweeyay Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari iyo inta badan Shacabka Magalada Boosaaso ayaa Janaraalka halkaasi ku soo dhaweeyey.

Generalka oo la weydiiyay inuu u Sharaxanyahay Madaxtinimada puntland ee 2019, Ayuu hadda ka Gaabsaday,balse uu shegay in sababta uu Boosaaso u yimid ay tahay Caleema saar Dhawaan ka dhici doona magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa mar soo noqday Wasiirkii Gaashandhigga dowladdii Kacaanka,waxana todobadyadii las oo dhaafay la hadal hayey in uu u sharaxan yahay doorashada Madaxweynaha Puntland ee Sanadka 2019-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media