(SAWIRO): Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo Kulan Khaas ku yeeshay Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo waxay maanta booqasho 3 maalmood oo rasmi ah uga bilaabantay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Waxa uu Salaan Sharaf ka qaatay Ciiddanka Bandayda, oo iyagu garaacay Muusikada Qaranka Somalia, waxaana loo riday 21 Madac oo soo-dhaweyn ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa soo dhaweeyey Madaxweyne Farmaajo, waxayna Duhurnimadii maanta Kulankoodii Koowaad  ku yeesheen Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.

Kulankaasi waxaa diiradda lagu saaray qoddobo muhiim ah, oo ay ka mid tahay Xoojinta Xiriirka Labada Waddan  iyo in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo Heshiiskii ay Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga Labada Dal ku gaareen Nairobi bishii July ee sannadkii 2015-kii.

Labada Madaxweyne waxay kaloo ka wada hadleen Arrimaha Socdaalka, Amniga, Duullimaadka Diyaaradaha, Tababaradda iyo Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Waxay Labada Madaxweyne isku af-garteen in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo Duullimaadka Tooska ee Diyaaradaha isaga kala goosha  Caasimadaha Labada Waddan, iyadoo ay Diyaaradaha haatan ku hakadaan Garoonka Wajeer, halkaasi oo Rakaabka iyo Xamuulka lagu baaro.

Labada Madaxweyne waxay yeelan doonaan Kulan Labaad, kaasi oo aan la ogeyn qoddobadda ay kaga wada xaajoon doonaan.

Xeeldheerayaasha ayaa saluug ka muujinaya Dhaqan-gelinta Heshiiska ay wada gaareen Labada Madaxweyne, maadaama aan horey loo taaba gelinin Heshiiskii Uhuru Kenyatta la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media