SAWIRO: Dooni Hoobiyayaal iyo Qoryo Fudud u soo waday Somalia oo la qabtay.

Sida aynu Wararkeenna shalay ku shaacinay, Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Australia waxay gacanta ku dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2-kun oo qoryaha AK 47.

Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia ee lagu magacaabo HMAS Darwin waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.

Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral David Johnston ayaa sheegay in lagu guuleystay in la qabto doonidaasi, iyadoo baaritaan kadib laga helay 1989 qoryaha AK 47,  100 Gantaalladda laga tuuro Baasuukaha, 49 qoryaha Boobaha iyo Hoobiyayaal.

Daawo Sawiradda Shixnadda Hubka ee la qabtay:

HMAS 2

HMAS000
HMAS5 HMAS4 HMAS6 HMAS5 HMAS 4

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor