(SAWIRO): Dalka Hindiya oo ay ku nool yihiin tiradda ugu badan dadka aan haysanin biyo nadiif ah.

Iyadoo maanta loo dabaaldegayo Maalinta Biyaha Aduunka, waxay Hay’adda Caalamiga ee Kaalmadda Biyaha “Water Aid” sheegtay in 75.9 million oo qof oo u dhalatay dalka Hindiya lagu khasbo inay kharaj sare ku iibsadaan Biyaha ama inay isticmaalaan biyo wasaqaysan ama ay ku milman yihiin Kiimiko.

Dadkaasi waxay 5% ka yihiin tiradda guud ee dadka Hindiya oo gaarayso 1.25 Billion oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 650 million oo qof oo ku baahsan dalalka Caalamka helin biyo nadiif ah, inkastoo ay xaalladda soo hagaagtay tan iyo wixii ka dambeyeey sannadkii 1990-kii oo ay 2.6 Billion oo qof heleen biyo nadiif ah wixii ka dambeeyey xilligaasi.

biyo la'aanta Hindiya1 biyo la'aanta hindiya2 biyo la'aanta hidniya3

©Radio Dalsan