Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Dalsan u sheegay inay Ciiddankii DFS, kuwa Jubbaland iyo Askartii Maraykanka xalay isaga baaxeen Deegaanka Sanguuni oo ay maalmihi ila soo dhaafay Saldhig u ahaa.
Bixitaankooda waxaa kaloo xaqiijiyey dadka Deegaanka oo sheegay inay Ciiddanka saqdii dhexe ee xalay isaga huleeleen Saldhigga ay ku lahaayeen Deegaanka Sanguuni.
Ciiddankaasi oo xalay u guureeyey Kismaayo ayaa la sheegay inay sal-dhigteen Dhismaha Jaamacadda oo ku yaalla magaalladaasi.
Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Askarta Isbahaysiga dib uga baxeen Sanguuni, halkaasi oo ay Duqeyn iyo Is-qarxin kala kulmeen Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan Deegaanadaasi.
Shalay galab ayey Alshabaab weerar Is-qarxin ka geysteen afaafka Xeradda ay Ciiddanka Isbahaysiga joogeen, iyadoo 7 Askari ku dhaawacmeen qaraxaasi, sida ay sheegeen Saraakiisah Maamulka Jubbaland.